Wednesday, July 2, 2025

DAAWO SAWIRRO XUL AH: Saxiixa heshiiskii Gaalkacyo ee Maamulada Puntland iyo Galmudug

Madaxweynayaashsa  maamulada Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas  iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta 2-Dec-2-2015 ku saxiixay heshii lagu soo afjarayo colaadii magaalada Gaalkacyo oo ka dhacay Garoonka Diyaaraha ee magaalada Gaalkacyo.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisal wasaaraha Dawladda Federaalka, Madaxweynayaasha, Maamulada Jubba, Koonfur-Galbeed iyo  wakiilada beesha caalamka sida Xafiiska Siyaasadda Qaramada midoobey ee Soomaaliya,  Midowga Yurub,  Midowga Africa, Urur Goboleedka IGAD iyo Itoobiya.

Heshiiska waxaa lagu kala saxiixday ka kooban afartan qodob ee hoos ku xusan.

  1. Baaq nabadeed oo waara, xabad joojin shuruud la’aan ah, iyo soo afjaridda colaadda af iyo addinba, lagana fogaado wax walba oo dhalin kara iska hor imaadyo hubaysan iyo abaabul colaadeed.
  1. Kala raridda ciidamada is hor fadhiya, koox walibana hubka iyo ciidamada inay geyso xeryihii ay ku sugnaayeen ka hor colaadda.
  1. Soo celinta dadweynihii labada dhinac ee magaalada, dhan walibana uu bixiyo tas-hiilaadka muhiimka u ah xaaladda bani’aadannimo,  iyadoo ay gacan ka geysanayso dawladda Federaalka ah.
  1. Magcaabidda guddi ka kooban dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada oo wada xaajood ka yeesha xallinta khilaafka Gaalkacyo,  kadibna la fidiyo gogol lagu xallinayo  khilaafka labada Maamul Goboleed.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON