Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa ka horjeestay wadahadalka iyo waanwaanta ka socota magaalada Gaalkacyo ee uu hormuudk ka yahay madaxweyne C/weli Gaas isagoo sku eedeeyay Galmudug inay tahay sharci darro, loona dhisay burburinta Puntland.
Isagoo wasiirku magaalada Garowe kula hadlay warbaahinta ayuu si cad u sheegay in ciddii aqoonsaneysa Galmudug ay iyada u gaar tahay, taasoo uu ula jeeday madaxweyne Gaas, wuxuuna intaas ku daray in Puntland oo jirtay 17 sanadood la doonayo in Puntland la carqaladeedyo sida uu isku dayay C/kariin Guuleed.
“Puntland 17 sano ayay jirtay, Galmudugna, way la nooleyd inay wax u tarto mooyee waxba uma dhimin, wixii laga sameeyay Cadaado ee xaaraanta ahaa inay is hortaagto horumarka Puntland wax laga xishoodo weeye…, C/kariin uma aqoonsani maamul, cidii aqoonsatana waxay noqoneysaa cid aqoonsatay meel cidla ah…” ayuu yiri wasiirka Amniga oo si weyn uga hor yimid waxa ka socda Gaalkacyo.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay khilaaf ka dhex abuurto golaha wasiirada Puntland oo horeba u diidanaa in wax xiriir ah lala yeesho maamulka Galmudug.
Goobjooge.com