Tuesday, June 24, 2025

Wasiirka caafimaadka Puntland oo ceebeeyay adeegyada caafimaad ee Isbitaal Digfeer kadibna….

Wasiirka Caafimaadka maamulka  Puntland oo ka mida wafdiga madaxweynaha Puntland ee ku sugan Muqdisho oo shalay Jimcihii booqasho ku tegay Isbitaalka Ordogan (ex. Digfeer), halkaasina soo kormeeyay dhaawacyada laga keenay magaalada Gaalkacyo ayaa si weyn u ceebeeyay adeegga caafimaad ee isbitaalka oo Turkigu gacanta ku hayaan.

Wasiirka reer Puntland ayaa sheegay inaysan arkin daryeelkii ay ka filayeen Isbitaalka oo kaliya ay jiraan dhaymo loo sameeyay dhawacyada, iyadoo dhaawacyada culusna aan waxba looga qaban karin isbitaalka. Wasiirka Caafimaadka Puntland saxaafadda u sheegay in Isbitaalku inuu markii hore fiicnaa, balse hadda aanu waxba kaga duwanayn isbitaalada kale ee dalka.

Arrintan ayaa keentay inay soo farageliso wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka, waxayna wasiirka Xaawo Xasan Maxamed tagtay isbitaalka iyadoo uu la socdo wasiirka Puntland oo markii danbe sheegay in adeeg fiican loo qabtay dhaawacyada oo Dhaqtar Turki ahna uu qalliin u sameeyay laba dhaawac oo xaaladoodu darneyd, wuxuuna  wasiirka 24 saacadood gudahooda isu bedelay u muuqday in culeys la saaray.

Dadweyne fara badan ayaa mudooyinkan danbe ka cabanayay adeegyada caafimaad ee isbtiaal Digfeer oo inta badan aanay joogin dhaqaatiir waaweyn.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON