Monday, June 23, 2025

Xukuumadda Somaliya oo war rasmi ah ka soo saaray wadahadalka u furmaya Galmudug & Ahlu suna

Ra”iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u shaaciyay inuu wadahadal u furmayo  maamulada Galmudug ee dowladdiisu taageerto iyo kooxda Ahlu suna ee ka talisa qeybo ka mida gobolka Galgaduud.

War laga soo saaray xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu soo dhoweeyey, isla markaana rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadalada dhowaan uga furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud maamulka Galmudug iyo Ahlusunna, wuxuuna ugu baaqay dhinacyadaasi inay muujiyaan, debecsanaan, isu dhega-nuglaan, Soomaalinimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in  Xukuumadiisa  kaalin weyn  ka qaadan doonto fududeynta, iyo ka mira dhalinta shirkaasi, la isugu keenayo Maamulka Galmudug iyo Ahlusunnah, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in laga gudbo khilaafka loona gudbo is faham iyo wax wada qabsi.

“Waxaan rajeynayaa in wadahadaladaasi ay miro dhalaan, ka xukuumad ahaana waxaan la garab istaagi doonaa taageeradeena” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ugu baaqay dhamaamba siyasiyiinta, waxgaradka, iyo nabadoonada Soomaaliyeed inay taageeraan wadahadaladaasi.

Wahadalka labada dhinac ayaa la sheegay inay Itoobiya kasoo shaqeysay kadib markii ay labada madaxweyne ee Galmudug iyo Ahlu suna Addis ababa ugu yeertay kana dhaadhicisay inay furaan wadahadalkan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON