Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: Weerar nooc cusub ah oo caawa lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Weerar nooc cusub ah ayaa caawa lagu qaaday Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo weerarkani uu ahaa mid looga soo qaaday dhinaca Badda, waxaana magaalada laga maqlayay rasaas kala duwan oo u badan kuwa lidka diyaaradaha oo muddo saacad ku dhow ka dhaceysay agagarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu soo qaaday Doon aya saaran yihiin qoryaha Boobaha culus oo rasaas ku asqeysiiyay garooka diyaaradaha Muqdisho iyo agagaarkiisa, waxaana iska caabiyay ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowladda ee ku sugan Garoonka iyo agagaarkiisa iyo Dekadda Muqdisho.

Ma jirto cid sheegatay weerarkan dhinaca Badda looga soo qaaday Garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaase loo maleynayaa inay Alshabaab ka danbeyso, iyadoo sidoo kale aanay weli soo bixin qasaaraha weerarkani dhaliyay oo xilli habeen ah lagu soo beegay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON