Wednesday, June 25, 2025

Dagaal maalintii labaad ka socda magaalada Beledweyne iyo baaq loo jeediyay beelaha dagaalamaya

Dagaalkii shalay ka qarxay magaalada Beledweyne ayaa maanta mar kale dib uga bilowday halkaasi, iyadoo labada maleeshiyo beeleed ay saaka isku fara saareen suuqa xoolaha ee Galbeedka magaalada.

Wararka ka imaanaya Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in dagaalka saaka uu dhaliyay qasaare kale, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhowr qof iyo dhaawac weli wararkiisu soo baxayaan.

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan ayaa ku howlan joojinta dagaalka galay  maalintii labaad. Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa labada dhinac ugu baaqay inay joojiyaan dagaalka.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaan weli ku guuleysan inay dhex galaan labada beelood ee is hor fadhiya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON