Friday, January 21, 2022

Madaxweyne Xasan Sheekh kulankii ugu horeeyay la yeeshay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee arrimaha Danjire Francisco Caetano Jose Madeira oo dhowaan xilka la wareegay.

Madaxweynaha iyo Wakiilka ayaa ka wadahadlay hawlaha AMISOM ee Soomaaliya, guulaha la gaarey , caqabadaha u baahan in laga gudbo iyo in la xoojiyo xiriirka iyo wax wada qabsiga ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa danjiraha u xaqiijiyey in dowladda Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, isla markaana ka mahad celiyay sida Ururka Midowga Afrika ugu soo gurmadey Soomaaliya.

Ad

Danjire Madeira oo isna halkaa ka hadlay ayaa ugu horayn Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Dlamini Zuma, waxaana uu ballanqaaday inuu meesha ka sii wadi doono hawlaha muhiimka ee AMISOM ka hayso Soomaaliya.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Lydia Wanyoto Mutende, iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socday.

2  4 unnamed

 Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

160,855FansLike
2,535FollowersFollow
5,938FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!