Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka (NISA) Jen. C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa sheegay in dhalinyarada ugu badan ee Soomaaliya isku qarxisa, kana geysta weerarada ay yihiin kuwa ka yimaada qurbaha ee Soomaalida ah, wuxuuna ugu baaqay dadka qurbaha ku nool inay ka hortagaan arrintaasi.
Jen. Tuuryare ayaa ku booriyay dhalinyaro ka qeyb galeysa Shirka Dhalinyarada ee ka socda gaalada Muqdisho inay qurba joogta ay saaran tahay waajib ah inay kuwa qaloocan ka hor yimaadaan kuna baahiyaan baraha bulshada.
Wuxuu kaloo cambaareyn u jeediyay Taliyaha i aan la ogolaan dadka qurbaha ku nool ee lacagaha u soo dira Al-Shabaab iyo kuwa masaajidada fadhiya ee dhalinyarada ku boorinaya inay Soomaaliya tagaan si ay isu qarxiyaan.
Dhageyso
Goobjooge.com