Thursday, July 3, 2025

DAAWO: Sida Wafdigii Madaxweynaha Soomaaliya loogu soo dhoweeyay Magaalada Beledweyne

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka ayaa socdaal shaqo ku jooga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, iyagoo wadatashi  la yeelanaya Siyaasiyiinta, Waxgaradka, odayaasha-dhaqanka iyo qeybaha bulshada ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mida: Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Wasiirka Dhalinyarrada iyo cayaaraha, wasiiru dowlaha madaxtooyadda, wasiir ku-xigeenka maaliyadda, wasiir ku-xigeenka caafimaadka, xildhibaanno, taliyaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo Muqdisho ku sugnaa.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inay muddi saddex maalmood ah joogi doonaan magaalada Beledweyne, waxaana laga sugayaa inuu xal u helo diidmo ka dhex taagan beelaha degaanka oo ah in Jowhar lagu qabto shirka wadatashiga maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose.

DAAWO SAWIRRO

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON