Wednesday, July 2, 2025

Odayaasha Gobolka Hiiraan oo ka hor yimid Wareegtadii Madaxweyne Xasan Sheekh

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne ayaa si weyn  uga hor yimid wareegtadii uu madaxweynaha Soomaaliya ku magacaabay caasimada maamul goboleedka KMG ah ee loo dhisi doono gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo magaalada marti gelineysa shirka maamul u sameynta labada gobol.

Odayaasha oo in muddo ah olole ugu jiray in magaalada Beledweyne ay marti geliso shirka ayaa cadeeyay inaysan aqbaleynin wax ka yar in shirka maamul u sameynta labada gobol lagu qabto, caasimadana ay noqoto magaalada Beledweyne.

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in go’aanka odayaasha Gobolka Hiiraan uu waxyar ka horeeyay imaanshihii magaaladaasi ee wafdiga madaxweynaha isla markaana arrinta ugu weyn ee dooda ka taagan tahay ay noqotay labadan qodob oo madaxweynuhu wareegto ku soo saaray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON