Monday, June 23, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Puntland: “Calanka Itoobiya ayaa laga taagay gudaha Soomaaliya”

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. C/xakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar (Camey) iyo wafti uu hogaaminayey oo dhowaan arrim tacsi ah u tegay gobolka Cayn ayaa markii uu dib ugu laabtay magaalada Garoowe faahfaahin ka bixiyay waxyaabo uu ku soo arkay xuduudka Soomaaliya iyo Itoobya.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay calankeeda  ka taagtey dhulka gudaha Soomaaliya  sida Magaalada Buuhodle iyo degaano kale, wuxuuna intaas ku daray inuu la socday qunsulka Itoobiya ee Garowe, meelaha qaarkood ayu sheegay in 15mitir ay gudaha u soo galeeen Itoobiyaanka.

Ugu dambayntiina Eng . Camey wuxuu sheegay in isaga iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland ay lakulmeen saraakiisha ciidamada Daraawiishta Puntland iyo kuwa Liyuu Booliska, kadib markii ay soo baxda xiisad kadhalatay Calanka Itoobiya oo laga taagey dhanka Soomaaliya ee xuduudka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON