Thursday, June 26, 2025

Muxuu ku dhamaaday kulankii dhex maray Axmed Madoobe & Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya

Madaxweynaha Maamulka Jubba oo booqasho ku jooga magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ayaa kulan la yeeshay wasiirka arrimaha  dibadda dalkaasi Dr. Tedros Adahnom.

Sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya kulanka oo ka dhacay xafiiska wasiirka shalay waxay labada dhinac uga wadahadleen nabadda iyo xasiloonida gobolka, doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan iyo hirgelinta heshiiskii Addis ee dowlada Federaalka iyo Axmed Madoobe saxiixdeen.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa  sheegay inuu horumar la taaban karo ka jiro Soomaaliya iyadoo uu intaas ku daray in maamulka Jubba uu door ku leeyahay nabadeynta Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa dhinaciisa sheegay in Itoobiya doorka Itoobiya uu yahay mid aad muhiim u ah marka la eego la dagaalanka argagixisada, wuxuuna soo dhoweeyay in ciidamada Itoobiya ay ku tagaan degaanada Jubba.

Marka  laga soo tago inta ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, waxaa wararka laga helayo madaxda Jubba ay sheegayaan in Axmed Madoobe ay ugu yeertay Itoobiya inay kala hadasho shirka ka dhacaya Kismaayo ee hiigsiga cusub iyo khilaaf ka dhex taagan maamulada Jubba iyo K/Galbeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON