Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha Kenya oo qirtay askar looga laayay Somalia & hanjabaad uu soo saaray

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u  diray askartii uga dhimatay dagaalkii qaraaraa ee kooxda Alshabaab ku qaaday xerada ay ciidamada Kenya ku lahaayeen degaanka Ceelcade ee gobolka Gedo, wuxuuna bartiisa twitter-ka soo xigtay ereyo isugu jira tacsi, cambaareyn iyo balanqaad.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sheegay in saaka la weeraray xeradii ciidamada Kenya ee AMISOM ku lahaayeen degaanka Ceelcade isla markaana  ay si degdeg ah jawaab cad uga bixiyeen weerarka, wuxuuna nasiib darro sheegay in qaar ka mida ciidamada Kenya ay hureen naftooda isagoo aan tiro sheegin.

Mr. Kenyatta wuxuu tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibada askarta dhimatay, wuxuuna ku amaanay askartaasi inay difaaceen dimoqraadiyadda iyo nabadgelyadooda ayna Kenya oo dhan la jirto.

Wuxuu sheegay inaysan cabsi gelin karin argagixiso, isagoo balan qaaday inay sii joogi doonaan Soomaaliya iyagoo kaashanaya isbaheysigooda sida uu yiri, wuxuuna ku goodiyay in denbiilayaasha ay ugaarsan doonaan oo dhiigga ka daatay ciidamada Kenya aanu meel cad ku dhammaan doonin.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON