Thursday, April 18, 2024

16-ka Ogost: Sanadguuradii 1-aad markii Madaxweyne Farmajo uu Hay’adda NISA u gacan geliyay Fahad Yaasiin

Hal sano ka hor maanta oo kale Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sameeyay isbedel weyn oo saameeyay Hay’adaha Amniga, talisyada ciidamada iyo Madaxtooyada, waxaana la magacaabay taliyeyaal cusub iyo shaqsiyaad aan la fileyn xilalka loo dhiibay.

Farmaajo oo lagu xusuusan doono inuu yahay madaxweynihii ugu isbedel iyo magacaabid badnaa intii uu xilka hayey, ayaa haddana isbedelka ugu weyn ee uu sameeyay 16 Ogost 2018 wuxuu ahaa inuu Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda u gacan geliyo saaxiibkii kasoo shaqeeyay inuu ku guuleysto Doorashadii 8 Febraayo 2017, waa ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin oo markaasi laga wareejiyey xilka Agaasimaha Madaxtooyada loona magacaabay Agaasime ku xigeenka NISA.

Muddo yar kadib Fahad Yaasiin wuxuu noqday ku-simaha taliyaha iyo guddoomiye ku xigeenka kaliya ee NISA ay leedahay,. markii uu is casilay Agaasmihii NISA Xuseen Cismaan Xuseen, xilalkiina laga qaaday Agaasime ku xigeennadi Jen. Cabdalla Cabdalla iyo C/qaadir. , sidaasina wuxuu Fahad Yasiin oo weriye ahaa ku hantiyey hoggaanka NISA, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu diiday inuu magacaabo agaasime cusub oo NISA yeelato ama xitaa ku xigeenno.

Ad

Sanad kadib oo NISA ay ahayd agaasime iyo ku xigeenno la’aan, waxaa dhacay arrimo fara badan oo muujisay inuu dib u dhac weyn ku yimid Sirdoonkii Dowladda, iyadoo ciidamadii badnaa ee NISA loo wareejiyey Booliska, waxaana dad badan ku dhaliileen Madaxweyne Farmaajo inuu burburiyey hay’adii NISA.

Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho iyo Is-miidaamintii ugu danbeysay ee xarunta Gobolka Banaadir oo lagu dilay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Guddoomiyihii G/Banaadir waxay caddeyn u yihiin in Hay’adda NISA ay ka gaabisay howlihii loo xil saaray, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu doortay inuu hay’adaasi u gacan geliyo shaqsi aan lahayn khibrad amni. basle saaxiib la ah.

WARARKA KU SAABSAN ARRINTAN HOOS KA AKHRISO

FAAQIDAAD: Xaqiiqada Wejiyada cusub ee loo magacaabay Talisyada Ciidamada iyo Madaxtooyada Somalia
- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON