Ciidamada Booliska ayaa ka warbixiyey howlgallo amni oo laga fuliyey magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda maalmihii ugu danbeeyay.
Taliye ku-xigeenka Booliska Jeneraal Sakiya Xuseen Axmed oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaacisay in ciidammada Amniga ay qabteen ilaa 16 qof oo ku eedeysan shabaabnimo, kadib howlgallo laga sameeyay Suuqa Bakaaraha, Sey Biano, Afgooye, Ceelasha Biyaha, Heliwaa iyo Afgooye.
Ciidamada Booliska aya qabtay maanta nin bam ku tuuray Laanta Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, iyadoo taliye ku xigeenka Booliska ay sheegtay in baatirsaan ku socdo ragga loo qabtay Alshabaabnimada.
Waxay intaas ku dartay in ciidammada amniga ay soo saareen Miinooyinka nooca Taangiga oo la geliyey dhinacyada wadadda xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye o lagu qarxin lahaa gaadiidka.
Warka kasoo baxay taliska Booliska ayaa yimid iyadoo dhowr maalmood aanay boolisku qaban shirarkii jaraa’id ee xaaladda Muqdisho markii uu dhacay bannaanbixii rabshadaha watay ee Muqdisho.