Qaar ka mida musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa kulan ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho waxay ka hor yimaadeen go’aankii uu Guddiga Doorashada ku joojiyay Doodwadaagii musharixiinta Madaxweynaha.
Musharixiintan oo ka koobnaa ila 16 musharax ayaa sheegay inuusan Guddiga Doorashada awood u lahayn joojinta qodobkii dooda oo Baarlamaanku ansixiyay, isla amrkaana ay dalbanayaan inay in la qabto Dood ay saxaafadda madaxa bannaan qeyb ka tahay.
Waxay kaloo caddeeyeen inaysan kalsooni badan ku qabin Guddiga Doorashada markii ay qiimeeyeen sidii uu u maareyn waayay Doodii musharixiinta, waxayna shaki ka muujiyeen inuu yahay Guddi madax bannaan.
Musharixiintan ayaa soo jeediyay in Guddiga laga saaro mid kamida xubnaha ku jira oo si toos ah shir uga sheegay inuu taageersan yahay una codeynayo Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo uu ka sheegay xaflad ka dhacay magaalada Muqdisho.
Xubinta lagu dhegan yahay ayaa ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mida xildhibaanada Aqalka sare, waxayna musharixiintan ku eedeeyeen inuusan dhexdhexaad noqon karin.
Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa u muuqda inay ku jiraan kacdoonkii ugu danbeeyay iyagoo ay ka muuqato cabsi badan oo ku saabsan doorashada madaxweynaha oo hadda toddobaad qura ka harsan yahay.
DHAGEYSO
Goobjooge.com