Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka Magaalada Garowe, isagoo ku sii jeeda magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya oo looga yeeray.
Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay inuu kulamo kula yeelan doono magaalada Adis madaxda dalka Itoobiya oo ay kala hadli doonaan arrimaha doorashada Soomaaliya iyo diidmada ay Puntland ka hor keentay qaabka doorashada ee dowladda Federaalka go’aamisay.
Madaxweynaha Puntland ayaa intii aanu ka duulin garoonka diyaaradaha ee Garoowe saxaafada u sheegay in uu safarkiisu ku qotomo casumaad rasmi ah oo uu ka helay Dawladda Itoobiya. Wuxuuna intaasi ku daray inuu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Itoobiya iyo Puntland.
Cabdiweli Gaas qiray in Dawladda Itoobiya ay Puntland kala shaqayso, dhinacyada sugidda Amniga, la dagaallanka argagixisada iyo xiriirka ganacsiga. Shalay ayay ahayd markii Goobjooge.com baahisay in C/weli Gaas looga yeeray Itoobiya (Akhri warkaas)
Goobjooge.com