Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow ka degay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, iyadoo socdaalkiisu ku saabsan yahay inuu odayaasha gobolka ugu qancin lahaa ka qeybgalka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo hakad ku jira.
Madaxweynaha oo ay wehliyaan wasiiro iyo xilidhibaanno uu ka mid yahay wasiirka amniga gudaha C/risaaq Cumar Maxamed waxaa garoonka Beledweyne ku soo dhoweeyay mas’uuliyiinta gobolka iyo waxgaradka beelaha Hiiraan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa socdaalkani u noqonayaa kii labaad oo uu magaalada Beledweyne ku tago isagoo dadaal ugu jira inuu qanciyo odayaasha gobolka Hiiraan inay ka qeyb galaan shirka Jowhar.
Goobjooge.com