Monday, June 23, 2025

XOG: Barlamanka Somaliya oo qarka u saaran inuu kalsoonida kala noqdo Wasiirka Amniga & Taliyaha Nabadsugidda

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood oo dhowaan ka carooday inuu Baarlamaanka ka soo xaadiri waayay wasiirka amniga gudaha iyo taliyaha nabadsugidda ayaa bilaabay qorshe mooshin cusub ah oo wasiirka iyo taliyaha kalsoonida loogala noqonayo.

Wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Nabadsugidda C/raxmaan Maxamed Tuuryare ayaa lagu eedeynayaa inay kasoo bixi waayeen shaqadii loo igmaday, balse ay ku darsadeen tacadiyo lagula kacay xildhibaanada, waxaana arrinta ku dhex jira guddoonka Baarlamaanka oo doonaya inaysan arrintan faraha ka bixin.

Wasiirka Amniga ayaa ka cudurdaartay inuu Baarlamaanka hortago kadib markii maalintii koowaad ee uu tegay Baarlamaanka su’aalo aad u kulul lagu weydiiyay, waxaana qoraal uu guddoonka u qoray ku sheegay inuu firaaqo noqonayo kadib 25-ka bisha oo baarlamaanka fasax gelayo.

Fasixii Baarlamaanka ayaa hadda u muuqda in loo baajiray arrintan xasaasiga ah, waxaana xaalada uga sii daray weerarada madaafiicda ee dharaarta cad lagu qaadayo madaxtooyada qaranka oo ay ugu danbeysay weerarkii Khamiista ee 25-ka Febrayo oo ay ku dhinteen 8 ruux, 13 kalena ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan ilaalada Ra’iisal wasaaraha.

Dooda ka furan baarlamaanka ee arrinta ammaanka oo faraha kasii baxeysa marka laga soo bilaabo qaraxii diyaaradda Daalllo iyo weerarka madaafiicda lala beegsado Madaxtooyada iyo xaafadaha ku dhow waxaa laga yaabaa inay dhaliso is casilaad lagu qasbo, labada mas’uul ee miiska saaran indhuhuna ku jeedaan, C/risaaq Cumar Maxamed iyo C/raxmaan Tuuryare, laakiin Taliyaha ciidamada Booliska ayaa qaba rajo fiican oo ah inuu ka badbaado arrintan khibradiisa ciidan iyo shaqadiisa awgeed.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON