Friday, July 11, 2025

Madaxda dowladda & Saraakiishii deganeyd Hotel SYL oo caawa laga daad gureeyay

Mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada ee deganaa Hotelka SYL ayaa caawa laga daadgureeyay halkaasi kadib weerarkii ay dhow jiho uga soo qaadeen kooxda Alshabaab caawa.

Hotelka SYL ayaa caan ah inay degan yihiin Wasiiro, madax sare oo ka tirsan dowladda Federaalka, madaxda maamulada dalka iyo weliba saraakiil sare, waxaana uu ka mid yahay hoteelada ugu waaweyn ee mas’uuliyiintu degaan.

Waxaa la arkayay mas’uuliyiinta dowladda oo caawa laga saarayo Hotelka, waxaana loo wareejiyay hoteelo iyo guryo kale oo ku yaala Muqidsho.

Dowladda Federaalka ayaa caan ku ah inay inta badan madaxda ka tirsan degaan hoteelada, taasoo ah caado laga dhaxlay dowladihii hore, waxayna keentay in Hotelada ay bartilmaameed u noqdaan kooxda Alshabaab oo uu yar yahay hoteel aanay weerarin mar iyo wax ka badan.

Ma jiro qorshe lagu sugo ammaanka Hotelada oo aan ahayn inay dhagxaan waaweyn, Biro iyo Shub ku wareejiyaan dhismaha hotelka, laakiin weerarkii caawa wuxuu ahaa mid fashilmay oo aanay u suuragelin kuwii weerarka soo qaaday inay galaan Hotelka SYL sidii hore u dhici jirtay.

Weerarkii ugu dhiigga badnaa waxay ahaayeen kuwii Alshabab ku qaaday Hotel Saxafi iyo Beach View Lido oo ay ku dhinteen marka la isku daro 50 ruux  oo dad mas’uuliyiin sare ah ka mid ahaayeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON