Wednesday, June 25, 2025

2 Qodob oo muujinaya inuu tanaasulay Madaxweyne Farmaajo (Nuxurka Khudbadii Baarlamaanka)

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo maanta khudbad warbixin ah u jeediyey xildhibaannada Baarlamaanka Aqalkooda hoose ayaa faahfaahin ka bixiyey shirarka Dhuusamareeb ee looga hadlayo Doorashada dalka.

Amaanta iyo bogaadinta uu Baarlamaanka ujeediyey ka sokow nuxur khudbada Madaxweynaha ayaa ahayd warbixin aanu wax go’aan ah ku qaadan, marka laga reebo inuu ballanqaaday heshiis kasta oo lagu gaaro magaalada Dhuusamareeb inuu dib ugu soo celinayo Baarlamaanka.

Madaxweyne Farmaajo oo culeyso badan kala kulmay Maamul Goboleedyada, xisbiyada siyaasadda, Bulshada rayidka iyo Beesha Caalamka ayaa hadda u muuqda inuu ka tanaasulay Doorasho Qof iyo Cod ah oo dad badan rumeysan yihiin inay ku qarsooneyd muddo kororsi.

Laba Qodob ayaa lagu soo koobi karaa isbedelka ku yimid Madaxweyne Farmaajo ee ku saabsan hannaanka Doorashada dalka, waxayna kala yihiin:

1- Inuu ku qasbanaaday heshiis cusb inuu la galo maamul Goboleedyada si looga heshiiyo Nooca Doorasho ee dalka ka dhaceysa, iyadoo aan lasoo hadal qaadin sharcigii Baarlamaanka ansixiyey.

2- In Madaxweyne Farmaajo uu iska ilaalinayo inuu caddeeyo mowqifkiisa, isagoo dhinaca kale qeyb ka ah heshiiska nooca Doorashada ee lagu gaarayo wejiga saddexaad ee Shirka Dhuusamareeb, kaasoo aan ahayn Doorashadii uu ku dheganaa ee Qof iyo Cod.

Qodobka kaliya ee Madaxweynuhu Baarlamaanku ku samir siiyay ayaa ah inuu dib ugu soo celiynayo heshiiskii lagu gaaro Shirka Dhuusamareeb, laakin heshiiskaas kadib way adkaan doontaa inuu ka hor yimaado Baarlamaanka, taasoo haddii ay dhacdo ay eeda oo dhan uu Baarlamaanku qaadi doono.

Waxaa muuqata in muddo kororsi iyo Doorasho Qof iyo Cod ah ay hadda kusoo hareen guddoonka Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, C/weli Muudey iyo qaar ka mida Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON