Monday, June 23, 2025

20 Alshabaab ah o o lagu dilay howlgal ay fuliyeen Ciidamada Dowladda iyo ATMIS

Taliyaha Ciidmaada Milatariga Soomaaliya ayaa shaaciyay in ila 20 dagaalyahanno oo ka tirsan kooxda Al Shabaab, lagu dilay howlgal weerar ay ku qaadeen ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa Wrbaahint dowladda u sheegay in howlgalka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo kuwa ATMIS uu ka dhacay degaanka Danow ee Gobolka Sh/Hoose, laguna dilay 23 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay heleen xogtamaleeshiyo ka tirsan Al Shabaab oo is urursaday, isla markaana qorsheynayey inay soo weeraraan fariisimo ciidan, balse iyaga weerar kedis ah lagu qaaday laguna laayay.

Ad

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka maantaka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose Al Shabaab looga soo furtay hub iyo saanad ciidan oo ay wateen, sida uu yiri.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON