Monday, June 23, 2025

200 Ciidamo Soomaal i ah oo u baxsaday Mandheere & Hub ka dhigis lagu sameeyay

Wararka laga helayo magaalada Mandhera ee Kenya ayaa sheegaya in ciidamo Soomaali ah oo gaaraya 180 askari ay u baxsadeen gudaha Kenya kadib weerarkii Alshabaab ee degmada Buulo-xaawo.

ilaa 180 askari ayaa u gudbay xadka Kenya iyagoo ka baxsanaya weerarka Alshabaab, waxayna 12 ka mida ahaayeen dhaawac sida ay qortay saxaafadda Kenya, waxaana askarta dhaawaca ah la geeyay isbitaalka Mandheera.

Askari Soomaalida ayaa hubka looga dhigay xuduudka Kenya iyagoo watay gaadiidka dagaalka iyo hubkooda, kadibna waxaa loo qaaday xarun Mandheera ka mida, iyadoo halkaasi lagu diyaarinayo kadibna la sheegay dib loogu soo celin doono Buulo-xaawo.

Ad

Ciidamada Kenya ayaa duqeeyay degmada Buulo xaawo, markii ay qabsadeen maleeshiyada Alshabaab, taasoo keentay inay dib uga baxaan Alshabaab. Madaxda Buulo xaawo ayaa ka mida dadka u gudbay xadka Kenya oo tegat Mandheera.

 

- Advertisement -

Weerar Alshabaab saaka aroortii ku qaaday degmada Buuloxaawo, iyadoo halkaasi lagu dilay askar fara badan, laguna qaatay saddex baabuur oo kuwa dagaalka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON