Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka dhoofay magaalada Kismaayo isagoo gaaray, magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
Axmed Madoobe ayaan wax faafhaahin ah kab ixin socdaalkiisa dalka Itoobiya, laakiin warark laga helayo Kismaayo ayaa sheegaya in inuu tegi doono magaalooyinka Adis-ababa iyo Jigjiga, isagoo isaga dab qaadi doono labada dhinac ee Kilinka Shanaad iyo Maamulka Galmudug oo dagaallo soo noqnoqday ay ku dhex marayaan degaano ku teedsan xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.
Socdaalka Axmed Madoobe ee Itoobiya ayaa soo shaac baxay iyadoo laga sugayo inuu ku dhawaaqo xubnaha golaha wasiirada Jubba oo muddo lix bilood ka badan laga sugaayay.
Axmed Madoobe ayaa ka mida madaxda Soomaalida ee ku xiran Adis ababa kana shidaal qaata dowladda Itoobiya, iyadoo taasi ay ka siman yihiin madaxda Soomaalida heer Gobol iyo Federaalba.
Goobjooge.com