4 sano ka hor maanta oo kale waxaa shir ka socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana shirkaasi ka qeyb galayay hogaamiyeyaal Soomaaliyeed oo la magac baxay saxiixayaashii Tubta Nabadda (Road Map).
Shirka Nairobi wuxuu ahaa shirkii ugu danbeeyay shirar xiriir ah oo ka dhacay Adis ababa iyo Nairobi oo loogu gogol xaarayay doorashooyinka ay dowladii KMG ahayd qabanqaabineysay.
Shirka saxiixayaasha waxaa maanta oo kale 4 sano ka hor ka baxay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed kadib markii ay shirka ka soo daaheen madaxdii kale ee saxiixayaasha oo kala ah Ra’iisal wasaarihii xilligaasi C/weli Gaas iyo madaxweynihii Puntland C/raxmaan Faroole oo shir u gaar ah galay.
HOOS KA AKHRI WARKII 5 OGOST 2012
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Kumeel gaarka ah Sheikh Shariif ayaa maanta (Axad Agoosto 5, 2012) waxa uu ka baxay shirka magaalada Nairobi uga socdey lixda saxiixayaashii Roadmapka.
Sida laga helay ilo ku dhow goobta shirku ka socdey, waxaa sabab u ahaa ka bixitaanka shirka ee Sheikh Shariif kaddib markii ay Nairobi kulan u khaas ah ku yeesheen ra’iisul Wasaaraha DFKMG iyo madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland.
Kulanka gaarka ah ee dhexmaray C/weli Gaas iyo C/raxmaan Faroole ayaa ahaa mid sababay in ay muddo ka soo daahaan kulankii kale ee u socdey lixda saxiixayaasha Roadmap-ka, taas oo la sheegay in ka cayaysiisay Sheikh Shariif.
Waxaa kale oo taas garab socda, sida wararku tibaaxeen, in qaar kamid ah saxiixayaashii Roadmapku ay isku khilaafsan yihiin doorka Ahlu Sunnad iyo Ahlu Sunnah qudhooda oo is khilaafsan, ayadoo xilka madaxweyne ee xukuumadda cusub la doonayo in la magacaabo 20-ka Agoosto 2012..
Sidoo kale waxaa saxiixayaashu isku khilaafsan yihiin qaabka loo soo xulanayo xubnaha cusub ee soo geli doona baralamaanka iyo waxyaabaha shuruudaha u noqonaya qofka ku soo biiraya baarlamaanka.
Arrimahaas oo is biirsaday ayaa wararku sheegeen in Shariif ay ku sababtay in uu ka baxo shirka.
Waxaana markaas Sheikh Shariif ka daba tegey Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Mahiga oo isku dayey in uu Sheikh Shariif ku qanciyo, taas oo wararka hordhac ah tibaxeen in uu ku guul daraystay.
Shirkiina waxa uu u sii socdey shanta ka mid ah saxiixayaashii Roadmapka ayadoo uu Sh. Shariif kamaqan yahay.
Madaxweynaha DFKMG Sh. Shariif waxa uu markiiba u dhoofay Muqdisho halkaas oo uu gaarey maanta.
Isha: Somalitalk
Maanta 5 Ogost 2016
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku sii jeeda dalka Itoobiya, halkaasoo uu uga qeyb galayo shirka madaxda dalalka Urur Goboleedka IGAD.
Shir madaxeedka IGAD oo ay ka qeyb galayaan madaxda dalalka IGAD ayaa looga hadlayaa xaaladda dalka Koonfurta Suudaan oo kasii dartay, isla markaana ay colaad cusub dib uga bilaabatay iyo arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo shir adag kula jiray madaxda Soomaalida ee Madasha Qaran, isla markaana xaalad adag ka heysato dowladiisa sidii ay u qabanqaabin lahayd doorashada xilliga kala guurka ah ayaa waxaa loo hakiyay Shirka Madasha ee Muqdisho ka socday.
Shirka Madasha ayaa hore loogu qorsheeyay inuu socdo muddo laba maalmood ah, laakiin waxaa muuqata inuu dib u bilaaban doono Sabtida marka uu Muqdisho ku soo laabto Madaxweynaha iyadoo aan la ogeyn xilliga uu qaadan doono.
Goobjooge.com
Inkastoo afar sano laga soo wareegay waqtiga uu madaxweyne Shariif ka baxay shirkii ugu danbeeyay ee saxiixayaasha arrimaha la isku hayo wax badan kama duwa kuwa maanta saaran miiska saxiixayaaasha cusub ee la baxay Madasha Qaran, kaliya waxaa muuqata inuusan khilaafkoodu bannaanka u soo bixin ilaa iyo hadda, madaxweyne Xasan Sheekh aanu shirka ka bixin laakiin uga tegay inuu shir kale ka qeybgalo.
Waxaa kaloo muuqata in shirku u dhaxeeyo madaxda Soomaalida inta badan, isla markaana goobta lagu shirayo ay tahay magaalada Muqdisho ee aanay ahayn Addis iyo Nairobi.
Goobjooge.com