Thursday, July 17, 2025

5 ka mida kooxdii dishay Jamal Kashoqgi oo la toogasho loo dalbaday & Maxkamad ka bilaabtay Sacuudiga

Waxaa maanta magaalada Riyaad  ee caasimada Boqortooyada Sacuudiga ka bilaabtay maxkamadeynta kooxdii ka dambeysan dilkii saxafigii Jamal Kashoqgi oo 2-dii Oktoobar 2018 lagu dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Isbtanbul, dalka Turkiga.

Bayaan kasoo baxay xeer ilaalinta Sacuudiga ayaa lagu sheegay  in maanta oo Khamiis ah maxkamad lasoo taagay 11 ka mida kooxda ku eedeysan dilka Jamal Kashoqgi, isla markaana 5 ka mida ay xeer ilaalintu dalbatay in la dilo, kaalinti ay ku lahaayeen kiiskaasi.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in su’aalihii xeer ilaalinta Turkiga u dirtay Sacuudiga aanay wax jawaab ah ka helin, iyadoo ay mar kale ka dalbatay Turkiga inay  la wadaagto wixii xog ah oo ay kiiskaasi ka heyso.

Shanta nin ee dilka lagu xukumay lama shaacin, sidoo kale ma jirin faahfaahin kale oo laga bixiyey maxkamadeynta magaalad Riyaad maanta ka dhacday, waxaana arrintan loo karaa in Sacuudigu doonayo dilka dadka kiiskan wax ka ogaa ee fuliyey oo ah markhaatiga ugu weyn ee la hayo si aan loo helin cidda ka dambeysay amarka dilka saxafiga Jamal Kashoqgi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON