Shan xisbi oo ka mida xisbiyada siyaasadda KMG ah ee dalka ayaa qoraal ay soo saareen si weyn uga hor yimid war-murtiyeedka kasoo baxay shirkii dib u heshiisinta Galmudug ee xalay lagu soo gabagbeeyay magaalada Dhuusamareeb.
Xisbiyada kala ah: UPD oo uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, Wadajir oo uu hogaamiye u yahay C/raxmaan C/shakuur, Ileys oo uu guddoomiye u yahay xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo xisbiyada Qaran iyo Nabada ayaa ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in qodobo ka mida war-murtiyeedka ay ka hor imaanayaan hannaanka federaalka, dastuurka Galmudug, waxayna dowladda Soomaaliya uga digeen inay afduubato Doorashada Galmudug.
AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA

