Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ee dhex maray ciidamada maamulkaasi iyo kuwa Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo) ayaa Qoraal dheer oo uu saaray ku sheegay in Ciidamada Somaliland ay jab gaarsiiyeen ciidamadii soo duulay ee Puntland.
QORAALKA HOOS KA AKHRISO
Sida laga yaabo inaanay dadwaynaha reer Somaliland ka warqabin ciidanka maamulka cagajiidka ah ee soomaaliya ayaa shalay oo ay bishu ahayd 14-kii May dhanka koonfureed ee magaalada Tukaraq kaga soo qaaday weerar ciidankanka Qaranka JSL ee uu fadhigiisu yahay jiidda hore. Sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL waxa la gaadhsiiyey dhirbaaxo kulul oo cashar u noqon karta maamulka Soomaaliya ee daandaansiga ka wada deegaannada Somaliland.
Iyaga oo ka faa’iidaysanaya maalinta dabaaldegga xuska sannad guuradii 27 aad ee qaranimada Somaliland ayay haddana saaka abbaaro todobadii subaxnimo weerar dhanka bari iyo dhanka koonfureedba kaga soo qaadeen ciidanka Qaranka JSL. iyaga oo aan ku xisaabtamin in ciidanka Qaranka JSL dhinacna uu dabbaaldeg ka wado dhinacna uu heegan u yahay difaaca qaranka, waxaana halkaa lagu gaadhsiiyey ciidankii nacabka khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Dagaalkaas oo soconayey 5 saacadood waxaa nacabka laga gubay tikniko badan, iyada oo gacanta lagaga dhigay shan baabuur iyo hal taangi, waxa kale oo gacanta lagaga dhigay maxaabiis farabadan, waxaana dib looga qabsaday halkii ay ka soo hinqadeen.
Haddaba, waxaanu caalamka nabadda jecel u sheegaynaa in aanay waxba ka jirin wararka ku-tidhi ku-teenka ah ee uu Taliska taagta daran ee Soomaaliya warbaahinta ku sheegay in ay Somaliland weerarka ku horaysay.
Ugu danbayntii, dawladda Somaliland waxa ay caddaynaysaa in ay soo dhawaynayso deris wanaagga iyo nabad kuwada noolaanshaha dalalka deriska. Hayeeshee mar kale u dulqaadan mayso daandaansi, xasarad iyo xad gudub joogto ah oo lagula kaco dadka iyo dalka JSL.
