Musharixiintii ugu badnaa ayaa isu taagay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya, iyagoo Berri lasoo gabagabeynayo diiwaangelinta Musharixiinta.
Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maalintii labaad Shahaadooyinka Musharaxnimo siiyey 8 Xildhibaan oo dhammaantooda u taagan xilka Guddoomiyaha, waxayna kala yihiin:
Musharixiinta Xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka
1- Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe
2- Xildhibaan C/laahi Aadan Axmed Black
3- Xildhibaan Saadaq C/laahi Cabdi
4- Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig
5- Xildhibaan Aadan Maxamed Nur (Saransoor)
6- Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan
7- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla
8- Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur
Xubnaha ugu cadcad waxaa ka mida: Shariif Maxamed Cabdalla, Sheekh Aadan Madoobe iyo Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo ah Musharixiin ka madax bannaan Madaxweynaha K/Galbeed oo isagu wata musharaxa aan khibradda badan lahayn ee Xasan Cabdinuur.
Tartanka xilka ugu sareeya GolahaShacabka oo noqon doona ayaa la filayaa in guddoomiyihii hore Maxamed Mursal uu noqdo kan ugu taageero hooseeya, iyadoo dad badan su’aal ka keeneen inuu mar kale is sharxay.
Musharax C/rashiid Xiddig ayaa markii labaad kursigan isu sharxday, isgoo aan kasoo jeedin Beesha loo tiriyo inay leedahay qoondada kursigan, mana muuqato fursad uu xilkan ku hanan karo, xaaladda hadda lagu jiro.
