Tuesday, July 1, 2025

AMISOM oo Baaritaankii ugu Cuslaa ah ka bilaabeysa Xalane iyo Xayiraad lagu rogay Dadka..

AMISOM ayaa ku dhawaaqday inay baaritaan guud oo culus ka sameyneyso Xerada Xalane iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo amnigiisa uu hoos tago.

Qoraal kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ayaa lagu ogeysiiyey Hay’adaha dowladda, shirkadaha iyo dhammaan dadka kala duwan ee degan Xalane iyo kuwa ganacsiga ku leh in gebi ahaan Berri 1-da April 2022 la joojiyey wixii dhaqdhaaaq ahaa iyo shaqooyinkii, iyadoo garoonka loo ogolaanayo dadka dhoofaya oo kaliya.

Qoraalka AMISOM ayaa lagu yiri: “AMISOM waxa ay baaritaan amni ku sameyn doontaa gudaha Xerada 01-da Abriil 2022. Si loo fuliyo baaritaanno amni oo aan kala go ‘lahayn, xerada waxay ahaan doontaa mid gebi ahaanba la xiri doono taariikhda kor ku xusan. Xirtaanka Xerada waxay keenaysaa joojinta dhammaan shaqada dhismaha iyo ganacsiga ee shaqaalaha caalamiga ah iyo kuwa Soomaalida labadaba (Marine, Movcon, aagga baabuurta lagu dhaqo iyo dukaamada jikada ee qaybta 1aad, iyo sidoo kale hirgelinta tillaabooyin ammaan oo dheeri ah oo la raacayo”.

Shaqaalaha muhiimka ah waa la nadiifin doonaa oo la fududayn doonaa howshooda. Hawlaha garoonka iyo dadka safarka ah waxay loo fududeyn doonaa albaabka garoonka. Shaqadu waxay dib u bilaabmi doontaa 2-da Abriil 2022.

Arrintan ayaa imaaneysa xaalado amni darro soo wajahay xerada Xalane iyo Garoonka Muqdisho wixii ka danbeeyay weerarkii Alshabaab ku gashay Gudaha Xalane 23-kii Maarso 2022, waxaana soo baxay arrimo shaki dhaliyay, kadib markii dhinaca Farmaajo ay diideen shir ay AMISOM iyo UN-ka ku dalbadeen in laga yeesho xaaladda garoonka iyo sida loo sugo amnigiisa.

Berri 01 April 2022 waxaa bilaabanaya howlgalka ATMIS, waxaan caawa Saqda Dhexe kusooo dhammaanaya howlgalkii Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo Golaha Amniga Q/Midooby uu maanta ansixiyey ATMIS.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON