Sunday, June 22, 2025

Muxuu ahaa hadalkii Waalidiinta Askarta ku maqanEritrea ee ka ilmeysiiyey Xasan Sheekh..?

Qaar ka mida Waalidiinta askarta Soomaalida ee ku maqan dalka Eritrea oo la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay dareenkooda, iyagoo ka ilmeysiiyay Madaxweynaha.

Waalidiintan ayaa ka hadlay dhibaatadii uu marsiisay dowladii Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ciidamada ku dalban jirtay jidadkana ku eryan jirtay markii ay isu soo baxana iyagoo raadinaya akhbaarta wiilasha ka maqnaa.

“Anigu maanta waan faraxsanay, waxay iila mid ahay anigoo kula jooga, waxaa noo yimid Madaxweyne Bani aadam ah baa ..” ayey tiri Hooyo Ruqiya Sahal oo Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegtay iiuu wiilkeedii soo wacay ‘Saaka’ lana hadashay.

Ad

Waxaa la arkayay iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh la ilmeynayo hadallada waalidiinta askarta maqan ee dareenka lahaa, arrintan oo falcelin badan soo jiidatay, iyadoo baraha bulshada dood ka dhalisay.

Sheekh ka mida eheleda Askarta ayaa sidoo kale Xasan Sheekh usheegay inuu qalbi-jileec iyo mas’uuliyad dareensiiyey, isla markaana ugu duceeyay inuu xilka uu hayo Alle la garab galo, taasoo keentay inuu ilmeeyo, kadibna Madaxweynihi laabta geliyo oo aamusiyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON