Tuesday, July 1, 2025

Waa imisa Lacagta ka soo xarootay musharixiinta xilalka Guddoonka Sare ee Baarlamaanka..?

Tiradii ugu badneyd ee isu soo sharaxda xilalka guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sanadkan u tartamaya hogaanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka ayaa shaaciyay Khamiistii inay diiwaan geliyeen 22 musharax oo doonaya saddex jago ee guddoonka Baaralmaanka.

Haddana Musharrxiintan waxaa laga qaadayay lacago khidmad ah oo lagu soo rogay iyadoo ku shubay xisaab ah Guddiga Doorashada ka furteen Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Musharrixiinta u tartamayay Guddoonka Baarlamaanka waxay bixiyeen min $15,000 oo Doollar,  halka musharixiinta u tartamaya guddooniye ku xigeenad koowaad iyo labaad laga qaaday min $10,000 oo Doollar.

Guud ahaan lacagta kasoo xarootay musharixiinta gudoonka ayaa gaartay 240, 00 doolar oo ah lacag ku dhow Rubuc Milyan doolar, waana lacagtii ugu badneyd ee laga soo xareeyo musharixiinta guddoonka Baarlamaanka oo doorashadii hore bixiyay lacago ahaa 5000 iyo 3000 doolar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON