Monday, July 14, 2025

Aabaha dhalay Ilhaan Cumar oo Mareykanka ugu geeriyooday cudurka Coronavirus (Faahfaahin)

Ilhaan Cumar oo ka mida Koongareeska Mareykanka ayaa goor dhoweyd shaacisay in aabaheed Nur Cumar Maxamed uu Geeriyooday.

Ilhaan oo farriin soo diray ayaa xaqiijisay in aabaheed uu geeriyooday, waxayna qoraalkeeda ku bilowday: “Innaa lillaahi, wa innaa ileyhi raajicuun.. xaqiiqdii Alle ayaa na leh, isaga ayaana u laabaneynaa.. waa murugo weyn iyo xanuun inaan la oofsaday aabahey Nuur Cumar Mohamed oo aan macsalaameeyay.. Ma jiraan ereyo aan ku cabiri karo waxa uu ii ahaa..”

Geerida Aabaha dhalay Ilhan Cumar ayaa waxa tacsi u diray madax kala duwan oo Mareykan ah iyo xisbiga Dimoqraadiga, waxaana uu xanuusanaa maalmihii ugu danbeeyay.

Wararka laga helayo dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Ilhaan Aabaheed oo 67 sano jir ahaa uu u dhintay cudurka Coronavirus, isagoo muddo ka badan toddobaad xaalad Kooma ah ku jiray isbitaalka Hennepin ee magaalada Minneapolis oo uu saaka aroortii xilliga Muqdisho ku geeriyooday.

Qoyska Ilhaan oo aad uga xumaaday Guurkeedka ninka caddaanka ah ayaa la sheegay inuu xumaaday xiriirkooda, aabaheedna uu diiday intii uu xanuunsanaa inay booqato, sida ay qortay jariirada Daily Mail, taasoo uu beeniyay afhayeen u hadlay Ilhaan oo sheegay inay si joogto ah ula hadasho Aabaheed. Qoyska ayaa dadaal u galay inay Kenya ka dhoofiyaan Sahra oo ah Ilhaan walaasheed si ay u baxnaaniso aabaheed.

Ilhan Omar's father Nur Omar Mohamed, 67, has been in a coma in Hennepin Medical Center for the past eight days suffering from COVID-19
'It is not looking good, he is very sick,' one friend of the family told DailyMail.com. Ilhan's father is pictured at her swearing in ceremony with Speaker of the House Nancy Pelosi

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON