Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ciidanada Cirka Itoobiya amray inay duqeeyaan Gobolka Tigray, kadib markii gobolkaasi diiday waqti kordhin loo sameeyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, doorasho gaar ahna ay qabsadeen.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa ku eedeeyay jabhadda TPLF inay weerar ku qaaday saldhigyada ciidamada Itoobiya ee Gobolkaasi, taasoo keenay in weerar lagu qaado Gobolka Tigray Arbacadii, waxaana maalintii afraad socda dagaalkaasi.
Diyaaradaha dagaalka dowladda Itoobiya ayaa duqeeyay xarumo la sheegay inay TPLF u yaalleen hubka culus ee Madaafiicda, Gantaallaha, Gawaarida gaashaaman iyadoo Abiy Ahmed uu sheegay in saddex ujeedo laga lahaa weerarrad cirka ayna sii socon doonaan inta laga burburinayo awoodda TPLF.
Wuxuu sheegay in lagu burbinayey Gantaalo, Raadaaro iyo madaaafiic yaalla gobolka Tigray, taasoo ay muuqato inay ciidamada Itoobiya halis u arkeen, kana baqeen inay adeegsato TPLF.
Xaalada Gobolka Tigray ayaa waxaa welwel ka muujiyey dalalka Yurub, halka Mareykanka uu si dadbad u taageeray, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka uu sii faafo isuna bedelo dagaal sokeeye.
