Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa markii ugu horeysay ee uu gaaray aagga dagaalka la hadlay warbaahinta, isgoo sheegay inay dib u qabsadeen degaano muhiim ah.
Abiy Ahmed oo la hadlay Telefishanka Oromiya ayaa sheegay inay kooxda TPLF ka xoreeyeen magaalada Kasagita ee dowlad degaanka Cafarta, ayna sidoo kale isla maanta ka saareen magalooyinka Chiftra iyo Burka.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed aya sheegay inay guulo waaweyn ka gaareen, ayna ka saareen degaanadii ay dhowaanaahan qabsadeen, aynasii wadi doonaan dagalaka ilaa ay kooxdaasi ka xoreeyaan goobihii ay qabsadeen.
“Waxaan sii wadi doonaa dagalaka, mana istaageyno int aan ka xoreyneyno kooxdan dhammaan deganaadii qabsadeen, waxaana u hureymnaa nafteena..” ayuu yiri Abiy Ahmed oo ilaa Talaadadii ku sugnaa goobaha dagaalka.
“Ma istaagi doonno ilaa aan caddowga ka aasno. Dhammaan shacabka Itoobiya dal iyo dibadba waxay noo muujiyeen garab istaag. Guulaha waa sii socon doonaan. Waxaan joognaa meel wanaagsan oo aan dhawaan guul buuxda gaari karno, Itoobiya xor ah oo barwaaqo ah ayaan jiilasha soo socda u gudbin doonnaa” Payuu yiri Abiy Ahmed.
