Sunday, July 13, 2025

Abiy Ahmed oo laga cabsi qabo in lagala noqdo Abaalmarintii Nobel ee Nabadda Adduunka

Guddiga billada Nobel-ka ee Norway ayaa ugu baaqay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya inuu mas’uuliyad gaara iska Saaro soo afjaridda dagaalka dalka Itoobiya, gaar ahaan Tigray.

War kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in mas’uuliyad gaara ay ka saaran tahay Abiy Ahmed inuu dhammeeyo dagaalka sanadka ka badan ka socday dalka Itoobiya, ayna tahay waajib laga sugayo.

“Abiy Ahmed oo ah ra’iisal wasaare, kuna guulaystay abaalmarinta nabada, waxa saaran mas’uuliyad gaar ah oo uu ku joojinayo colaada iyo ka qayb qaadashada nabadda” ayey tiri Berit Reiss-Andersen, oo ah guddoomiyaha guddiga Nobel-ka Norway.

Bayaanka ay soo saareen Guddiga Nobel-ka waxay Abiy Axmed – oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel 2019 ka dalbadeen joojinta dhiigga ku daadanaya dalkiisa.

Hal sano uun ka dib markii uu ku helay abaal-marintan soo afjaridda dagaalkaa dheeraa ee dalkiisa kala dhexeeyey Eritrea, Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed wuxuu ciidamo la dagaalama u diray falaagada waqooyiga gobolka Tigray.

Dagaalkaas ayaa malaayiin qof ku qasbay inay guryahooda ka baxaan. Dowladda ayaa lagu eedeeyaa in ay hor istaagto gargaarka bini aadantinnimada, waxaana marar badan soo baxay eedeymo ku saabsan gabood-fallo ay geysteen dhammaan dhinacyada qaybtaka ah dagaalkaas.

Afhayeenka Mr Abiy, Billene Seyoum ayaa horay u sheegay in abaalmarinta nabadda ee Nobel aysan ahayn “ma aha xakame ku qabanaya marka dalka la soo weeraro”

Baaqyada Guddiga ayaa la filayaa inay kordhiyaan cadaadiska lagu doonayo in xal nabadeed laga gaaro dagaalka. waxaana Guddiga Nobel-ka cadaadis lagu saaray inay kala noqdaan Billada Nabadda ee ay siiyeen Abiy Ahmed, taasoo hadda la bilaabay tallaabooyinkii ugu horeeyay.

Dagaalkii ugu weynaa ayuu galay Dalka Itoobiya saddexdi sano uu talada dalkaasi hayey Abiy Axmed, waxaana dalkaasi ku dhintay kumanaan qof, iyadoo xaaladda Gobolka Tigray ay weli tahay mid adag oo go’doon ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON