Saturday, July 5, 2025

Maamulka K/Galbeed oo lagu tijaabinayo Fulinta 3 Qodob oo ka mida Heshiiskii Doorashada

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday kii ugu horeeyay ee dib u bilaaba doorashada Golaha shacabka, kadib shirkii Muqdisho ee Golaha Wadatashiga Qaran oo dib loogu saxay khaladaadkii hannaanka Doorashada.

Shan kursi oo ay hore u shaaciyeen Guddiga Doorashada K/Galbeed ay ku celiyeen in la bilaabay hannaankii lagu dooran lahaa, waxaana lasoo saaray jadwal lagu jaangooyey qodobadii lagu heshiiyay in la fuliyo oo ay ugu horeyso shaacin Odayaasha iyo xubnaha bulshada rayidka ee soo xulaya kuraasta la dooranayo.

Arrimaha ugu adag ee lagu tijaabinayo Guddiga Doorashada K/Galbeed oo uu saameyn weyn ku leeyahay madaxweynaha maamulkaasi ayaa kala ah: sida ay u soo xulaan ergada, kala reebidda Musharixiinta tartameysa iyo Habka Doorashada u dhaceyso oo horey shaki badań looga muujiyey.

Guddiga ayaa shaaciyey liiska Odayaasha iyo bulshada rayidka, waxaana qoraa ka soo baxay Guddiga lagu yiri: “Iyadoo la fulinayo habraacyada Doorashooyinka ee 17-ka Sebtember, 2020, 1-da Octoobar 2020 iyo 22, May 27, 2021 Agoosto 2021 iyo heeshiiyada ugu danbeeyay 3-9 January 2022 ee la xiriiray daahfurnaanta doorashada golaha shacabka ayaan waxaan halkaan hoose ku soo gudbinaynaa magacyada odayaasha dhaqanka iyoxubnaha bulshada rayidka ee soo xulaya ergada doorashooylinka kuraasta, kuwaas oo kala ah:”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON