Friday, June 27, 2025

Abiy Ahmed: “Waxaan helnay Ciidamadeena oo toogasho lagu dilay iyagoo Garbaduub u xiran…”

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in jabhadda Tigreega ee TPLF laga xoreeyay Galbeedka Tigray, kadib dagaal culus oo dhex maray ciidamada Federaalka Itoobiya iyo kuwa Gobolkaasi.

Farriimo Af-amxaari ku qoran oo uu shaaciyey ayuu Abiy Ahmed ku eedeeyay ciidamada Tigreega inay ku kaceen falal fool xun oo ay ku xasuuqeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa xerooyinka ku yaalla degaanka Shareero oo uu sheegay inay xoreeyeen ciidamadiisa.

“Gobolka Galbeedka ee Tigray waa la xoreeyay.. Waxaa magaalada Shararo laga helay meydadka ciidamadeena oo la toogtay, iyagoo garbaduub xiran. Waxashnimadani waa wax laga naxo ujeedkoodu waa inay burburiyaan Itoobiya..” ayuu yiri Abiy Ahmed oo aan sheegin tirada meydadka ciidamadiisa ee la helay.

Degaanada laga xoreeyay ciidamada jabhadda Tigreega ayuu sheegay inay ciidamada dowladda gargaar u fidinayaan dadka shacabka ah. Wuxuuna ku adkeystay Abiy Ahmed inay soo afjari doonaan dagaalka ay kula jiraan dembiilayaasha Tifray sida uu yiri.

Dagaaalka Gobolka Tigray ayaa galay maalintii 9-aad iyadoo isgaarsiinta Gobolkaasi la xiray, isla markaana aysan jirin wax xiriir ah oo uu dibadda la leeyahay Gobolkaasi. Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa diiday inuu waanwaan ka galo dagaalka, isagoo ku adkeystay inuu soo afjarayo TPLF.

Qaxooti gaaraya 10,000 ayaa u gudbay xuduudka dalka Suudaan, waxaana laga cabsi qabaa in dadkaasi ay gaaraan 200,000 qof maalmaha soo socda haddii dagaalku sii socdo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON