Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo dowladiisa ayaa lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen dilka Siyaasi Oromo ah oo caan ahaa kana tirsanaa Jabhadda Mucaaradka Oromada ee OLF.
Bate Urgessa oo ahaa nin caan ah ayaa habeenimadii Talaadadda lagala baxay Hotel uu deganaa magaalada Meki oo uu kasoo jeedo, Gobolka Shoa ee Oromada, kadibna waxaa meydkiisa laga helay meel Qashin-qub ah.
Qoyska Siyaasiga Bate Urgessa ayaa sheegay inay Hotelka uu deganaa ka kaxeysteen ciidamada ciidamada ammaanka ee dowladda Itoobiya rag u eg, ayna falkaasi ku fuliyeen, iyagoo dalbaday cadaalad.
Afhayeenka OLF Lemi Gemechu ayaa dhinaciisa sheegay in ciidamo hubeysan oo ka tirsan dowladda Itoobiya ay siyaasigan ka wateen hoteel ku yaalla magaalada Meki oo 150 kiiloomitir u jirta caasimadda Addis Ababa, kadibna meydkiisa la helay.
Hay’adda xuquuqul insaanka ee Itoobiya (EHRC) ayaa ku baaqday in si degdeg ah baaritaan dhexdhexaad ah loogu sameeyo dilka Bate Urgessa, oo ahaa sarkaal siyaasadeed oo ka tirsan jabhadda mucaaradka Oromada ee OLF.
Jabhadda mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front (OLF) ayaa si weyn u cambaareysay “dilkii arxan darada ahaa” ee loo geystay sarkaalkooda siyaasadeed Bate Urgessa iyadoo sheegay in dilkaas uu ahaa mid laga naxo.
Bate Urgessa ayaa bishii hore uun laga sii daayey xabsi ay dhigtay dowladda Itoobiya, waxaana ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka ugu cadcad ee ka horjeeda Ra’iisal Abiy wasaare Abiy Ahmed.