Sunday, July 13, 2025

Abshir Bukhaari oo ku guuleystay kursigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in musharax Abshir Axmed Maxamed uu ku guuleystay kursigii ugu horeeyay ee Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga ayaa waxaa ku tartamay Musharaxyada kala ah:

  1. Abshir Axmed Maxamed (Ganacsade iyo milkiilaha warbaahinta Goobjoog FM)
  2. Axmed Cabdi Kaahiye  (Maareeyaha xigeenka Dekadda Muqdisho)
  3. Kamaal Daahir Guutaale ( Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir)
Bukhaari
Abshir Axmed Maxamed (xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya)

Codeyntii dhacday kadib waxaa cod al dheeri ah ku guuleystay mushrax Abshir Bukhaari, isagoo helay 48 cod, musharaxa kale ee Axmed Cabdi Kaahiye ayaa helay 23 cod, halka Kamaal Dahir Hasan uu isna helay 16 cod, waxaana xumaaday 1 cod, iyadoo ay codeyeen, 88 Xldhibaan.

Abshir Bukhaari ayaa sidaa ku noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doorto Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna Galmudug noqotay maamulkii ugu horeeyay ee doorashadani hirgeliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON