Been abuur u muuqda olole siyaasadeed ayaa laga faafiyay Sureer Abshir Muuse oo ka mida haweenka miisaanka ku leh Puntland.
Qoraal lagu sheegay in loo magcaabay Sureen Abshir Safiirka Puntland ee dalka Itoobiya ayaa saaka lagu faafiyay warbaahinta iyo baraha bulshada Soomaalida, iyadoo markii danbe la beeniyay in qoraalkaasi ahaa mid sax ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland.

Sureer Abshir Muuse oo la dhalatay taliyihii ugu horeeyay ee booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Abshir Muuse, waxay caan ka tahay degaanada Puntland ayaa muddooyinkii dambe ku sugneyd magaalada Garowe, iyadoo olole ugu jirta kursiga Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Qoraalada been abuurka ah ee lagu saxiixayo madaxda Soomalida ayaa ku soo batay warbaahinta iyadoo ay wadaan dad dano gaara ka leh oo Cabdalla Shideeye siyaasadeed furtay.
Goobjooge.com