Wararka laga helayo magaalada Burco ayaa sheegaya in ciidamada Booliska magaaladaasi ay xabsiga dhigeen nin lagu magacaabo Abwaan Maxamed C/laahi (Galayr) oo dhowaan tiriyay gabay uu ku amaanay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo.
Abwaankan oo ka mida kuwa dhalinyarada ee caanka ka degaanada Somaliland ayaa dareenkiisa ku muujiyay soo dhoweynta iyo hambalyada Madaxwenyaha Cusub ee dalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.
Waxaa gabayga kala qeyb qaadanaya abwaa kale oo lagu magcaaabo Cali Dhanaaneeye, ayaa hordhaca gabaygooda ku sheegay inay soo dhowdahay midnimada Soomaaliyeed oo laga adkaanayo faragelintii Itoobiya.
Ciidamo ku raadjoogay abwaankan ayaa maanta qabtay kadibna xabsiga dhigay, iyadoo la baadi goobayo abwaanka kale. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Abwaan Maxamed Galaydh ku xiran yahay xabsiga Burco, loona heysto gabayada ay ku amaaneen Madaxweyne Farmaajo.
Goobjooge.com