Thursday, June 26, 2025

Aden Barre Ducaale: “Jubaland waxay muhiim u tahay Amniga Qaranka Kenya, waana Dal & Gobol isku Bah ah..!”

Guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aden Barre Ducaale ayaa sheegay in isaga wafdi uu hoggaaminayo ay magaalada Kismaayo u tageen caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Isagoo saxaafadda kula hadlay Garoonka magaalada Kismaayo ayuu sheegay in wafdiga uu hoggaaminayo ay ka mid yihiin xildhibaanno, senatooro metelaya dowladda Kenya, ayna wadaan farriin ay taageerada ay u hayaan Jubbaland iyo hambalyada madaxweynaha la doortay ee Axmed Madoobe.

“Waxaan u imaanay caleemo saarka Axmed Madoobe…, Jubbaland waxay muhiim u tahay Amniga Qaranka Kenya, waxaa naga jooga ciidamo oo qeyb ka ah AMISOM. Jubaland iyo Kenya waa Gobol iyo Wadan isku bah ah, waxaan leenahay Hambalyo Axmed Madoobe..” ayuu yiri Aden Barre Ducaale.

Diyaaradii siday Wafdiga Kenya ayaa jebisay amar kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah in diyaaradaha ka yimaada dalka Kenya aysan toos u tegi karin magaalada Kismaayo, waxaana arrintan la suhayaa jawaabta ay bixin doonto dowladda Somalia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON