Taliyihii hore ee Ciidamada Badda Soomaaliya, haddana ah Guddoomiyaha Hay’adda Cilmi baarista Soomaaliyeed Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) ayaa sheegay in Guri uu leeyahay ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowlada Somalia, ayna la wareegeen.
Jeneraalka ayaa sheegay in ciidamo fara badan ay xoog ku galeen gurigiisa oo ku yaalla degmada Heliwaa, iyagoo ka saaray dad masaakiin ah oo ku noolaa, wuxuuna caddeeyay in guriga uu isagu leeyahay, una heysto sharci.
Admiral Faarax Qare aya sheegay inuu muddo 56 sano ahna uu dowladda u shaqeyneyay oo uu diyaar u yahay inuu gurigiisa dowladda ku wareejiyo haddii ay u baahato oo la weydiisto, wuxuuna ugu baaqay madaxda dowladda inay gurigiisa uga saaraan ciidamada qabsaday ama haddii ay doonayaan ka codsadaan.