Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yeeshay afhayeen cusub kadib markii Afhayeenkii hore C/fataax Cumar Xalane loo magacaabay agaasime Guud oo la shaqeeya waaxda howlaha guud.
AfhayeenkaCusub Ee Maamulka Gobolka Banaadirm Ahna Agaasimaha waaxda Warfaafinta Dowladda Hoose Saalax Xasan Cumar ayaa dhowaan loo magaacabay xilkan, waana saxafi iyo qurbejoog fadhigiisu ahaa dalka Holland.
Wararka ayaa sheegay inuu Afhayeenkan cusub uu Guddoomiyah Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow uu ka caawiyey dacwadii uga furneyd dalka Holland ee uu ku soo oogay Daahir Calasow, waxaana hore loogu magacaabay agaasimaha guud ee Qeybta arrimaha bulshada G/Banaadir balse waxaa maanta lagu soo baraarugay xilkan cusub.
Maamulka G/banaadir ayaa magacaabay xilal fara badan oo intooda badan aan la shaacin oo ay ka mid yihiin agaasimeyaal guud oo ka hoos shaqeynaya guddoomiye ku xigeenada Gobolka.