Thursday, June 26, 2025

Afhayeenka Alshabaab oo ka hadlay sidii loo qorsheeyay Qarixii xarunta G/Banadir.

Afhayeenka Ciidamada ururka Al-Shabaab C/casiis Abuu-muscab ayaa faafaahin ka bixiyay weerarkii Arbacadii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in loola dan lahaa wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya.


Afhayeenka C/casiis Abuu-Muscab ayaa farriin uu soo duubay ay baahiyeen warbaahinta Alshabaab, wuxuu ku sheegay in dadka ku dhintay qaraxa ay u badnaayeen dad sita baasabooro dalalka Gaalada ee Qurbejoogto ah ee u dhaartay inay daacad u noqonayaan dalalka ay ka yimaadeen, wuxuuna sheegay inaysan jirin meel ay ku nabadgeli doonaan mas’uuliyiinta dowladda federaalka.

Afhayeenka ma sheegin cidda fulisa, wuxuuse sheegay in xubno ka tiran Alsahbaab ay diyaariyeen qaraxaasi, wuxuuna u mahad celiyey kuwii kasoo shaqeeyay iyo kuwii u fududeeyay, sida uu yiri , isagoo dhinaca kale sheegay inay Alshabaab sii wadi doonto beegsida madaxda dowladda.

Warka afhayeenka ayaa waxaa ka muuqday in qaraxa uu ahaa mid la qorsheeyay, ee aanu ahayn is-miidaamin gudaha xarunta Gobolka Banaadir ka dhacday, sida ay hore u shaaciyeen saraakiil ka tirsan Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON