Friday, July 18, 2025

Afhayeenka Alshabaab oo War Cad kasoo saaray Weerarkii Nairobi [Magaca Howlgalka & Kooxda qaaday]

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa bayaan kasoo saaray weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen hotelka Dusit ee magaalada Nairobi, isagoo sheegay inay guul weyn ka gaareen.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in howlgalka uu socday muddo ku dhow 24 saacadood, loogna magac daray ‘Labeyka yaa Qudus’ -Qudus lama Yuhuuheyn karo-, wuxuuna intaas ku daray inay howlgalka ku dileen 50 qof oo u badan reer Galbeed.

Afhayeenka Alshabaab ayaa sheegay in weerarka oo ka dhacay Westland ay caddeyn u tahay in Kenya ay cagta saartay wadaddii burburka, wuxuuna is weydiiyey sababta ay ciidamada Kenya u joogaan Jubbooyinka xilli caasimadoodii uu meydku isa saaran yahay.

Wuxuu sheegay in weerarkii Riverside ay fulisay Katiibada Saalax Nabhaan oo ah koox ka tirsan Alshabaab oo loogu magac daray hoggaamiyeyaashii Afrikaanka ahaa ee Alshabaab.

“Waxaan nahay muslimiin aan aqoonin qowmiyad iyo wadaniyad … Muslimka aad dunida cirifkeeda ku dhibaateysan waxa la idinkaga aarayaa cirifka Koonfureed..” ayuu yiri Afhayeenka Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON