Afhayeenka Howlgallada Alshabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegtay inay Alsahbaab dagaalladii Koonfurta Mudug ay qasaare lixaad leh gaarsiiyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmdug oo ay taageerayeen diyaaradaha Mareykanka.
Dagaalkii shalay ayuu guul ka sheegay wuxuuna caddeeyay in degaanka Bacaadweyn ay subaxdii hore uga baxeen ciiamadii weerarka ahaa, kadibna ay gelinkii danbe rogaalcelin ku sameeyeen dibna u qabsadeen.
Sidoo kale Abuu Muscab oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in in degaanka Sabeeno gowrac ay afar jeer kula dagaalameen ciidamada huwanta, dagaal kalena ka dhacay degaanka Qayacad oo lagu jebiyay ciidamadii isbaheystay, sida uu yiri.
Qasaaraha dagaalka ayuu sheegay inuu gaaray 70 dhimasho iyo dhaawac oo ciidamada Dolwadda iyo Galmduug ah, iyagoo meydadka ay goobaha dagaalka uga tageen gaarayaan 21, sida uu yiri.
Afhayeenka Howlgalalda Alshabaab wuxuu sheegtay in diyaaradaha ciidamada Mareykaka ay dul heehaabayeen goobaha lagu dagaalmaay, si ay u baqdin geliyaan ciidamadooda. laakiin ay waxba u qabn waayeen saaxiibadood.
Dhinaca Galmudug iyo taliska cioidamada dowladda ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan iyo sheegashada Alsahbaab, balse dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in Alshabaab dib u qabsadeen degaanka Bacaadweyn.
