Afhayeenka howlgallada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay sababtii ay ay shalay weerarka ugu qaadeen Xarumaha wasaaradaha Shaqada iyo Howlaha guud ee magaalada Muqdisho.
Isagoo shir jaraa’id u qabtay Warbaahinta Alshabaab ayuu Afhayeenku sheegay in Xarumaha wasaaradaha lagu qaaday weerar lagu bilaabay qarax is-miidamin ah, kadibna ay gudaha u galeen dagaalamayaal xoog ku jiiray, halkaasoo dagaal ku dhex maray ciidamada iyadoo lagu dilay 15 qof sida uu yiri.
Afhayeenka Alshabaab ee howlgallada C/casiis Abu Muscab ayaa sheegay in iyadoo markii horeba ay goobahaasi ahaayeen kuwo la beegsanayo, haddana markan weerarka loogu qaaday arrimaha kala ah”
1- Inay qorayeen ciidamo la dagaalama Alshabaab
2- Inay shaqaaleynayeen baasaasiin dhibaato ku haya culimada iyo dadka diinta
3- Iyo inay qeyb ka ahaayeen mashruuca is xilqaan ee lagu dhisayo Tiyaatarka, kaasoo uu sheegay inuu yahay goob fisqi ah.
Afhayeenka ayaa ka digay in ciidan loo noqdo dowladda Federaalka iyo in laga qeyb qaato shaqooyinkeeda.