Friday, July 4, 2025

Afhayeenka Jeremy Slevin: “Ilhaan Cumar waxay Tim Mynett ku guursatay Diinta Islaamka..”

Waxa faahfaahin dheeraad ah kasoo baxeysaa guurka cusub ee Ilhaan Cumar haweeneyda ka mida Koongareeska Mareykanka ee asalkeedu yahaya Soomaali oo dhowaan ku dhawaqday inay guursatay la-taliyaheedii Tim Mynett.

Afhayeenka Ilhan Cumar oo lagu magacaabo Jeremy Slevin ayaa NBCNews u sheegay in Ilhaan iyo Tim ay isku guursadeen si sharci ah oo ilsaami ah, kadibna wuxuu afhayeenka u sheegay BBC-da inuu islaamay seyga cusub ee Ilhaan Cumar.

“Waxaan xaqiijinayaa inay isku guursadeen hab waafaqsan diinta Islaamka iyo sharciga, seyga Ilhan (Tim Mynett) wuxuu qaatay diinta Islaamka” ayuu yiri Afhayeenka Ilhaan oo la hadlay BBC-da, laakiin ma jirto faahfaahin kale oo uu bixiyey.

Ilhan oo ay kala tageen ninkeedii hore ee Soomaaliga ahaa oo ay saddex caruur ah u dhashay kadib xiriir soo shaac baxay o la-taliyaheeda la lahayd ayaa barteeda Instagram-ka ku shaacisay Muqaal iyo seygeeda cusub Tim Mynett, waxayna raacisay farriin u qorneyd: “Waan guursaday, waxaan lamaane ku ahayn siyaasadda, haddana waxaana ku nahay noolasha, Alxamdulilaah,”

Xiriirka haasaawe ee Ilhan Cumar iyo Mynett ayaa waxaa markii ugu horeysay shaacisay Jariirada Daily Mail ee dalka Ingiriiska, iyadoo sheegtay inay labadan wadaagi jireen haasaawe iyo jaceyl keenay in xaaskii ninkan Beth Mynett oo 55 sano jir ahayd ay ka dalbato furriin markii uu si cad ugu sheegay inuu jecel yahay Ilhan Cumar.

Sidoo kale Axmed Xersi oo ayaa seyga Ilhaan ayaa si lama filaan ugu tegay Ilhaan oo la joogta Mynett, markaasoo uu xaqiiqsaday xiriirkooda jaceyl, taasoo keentay in lagu dhexdhexaadiyo lacag la siiyo iyo furriin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON